ayaamaha12

Yaasiin : Waan Jeclahay Balse Mar Waliba Waxa Ay Ku haysaa Waan Tahriibayaa Ee Sideen Wax Yeelaa

Waxaa talo ina soo weydiistay wiil Soomaaliyeed kaasoo noo soo qorey qoraal dhigaalkiisu ahaa sidaan:

Magaceygu waa Yaasiin Cali Muuse waxaan joogaa magaalada Boosaaso waxaan jeceyl isla wadaagnay gabar taasoo aan aad u jeclahey sidoo kale ayaduna aad ayay ii jeceshahey laakiin markasta waxey i dhahdaa waan tahriibayaa marka sideen wax yeella ila taliya.

Sawirkaan iyo sheekada isma quseyaaan

Sawirkaan iyo sheekada isma quseyaaan

Hadab waxaanu u gudbiney bahdeena noo qaabishan tala bixinta waxaana ay usoo diyaariyeen qoraalkaan hoose:

Saaxiib Yaasiinoow marka hore waxaan ku leenahey Hambalyo maadaama gabadha ay si lamid ah sidaada ay kuu jeceshahey waayo inta badan dhalinyarada Mucaashaqiinta Soomaaliyeed badanaa waxey talo naga soo weydiiyaan qalbi ka janjeera.

Si walbaba ha ahaatee waxaad gacanta ku heysata furaha aayahiina marka yaanan ku wer wer gelin hadalka inanta ee ah waan tahriibayaa runtii waxaa caada u ah dumar hadalo qalafsan sida nin baan kaaga soo go’ay, dartaa aan u diidey nin hebel, waan dhoofi lahaa adaan kuu baaqday iyo waxyaabo kale sida tan hadda adi lagu dhaho mar kasta marka xumaan kama ahan ee waa caada ay ka wada siman yihiin waxeyna badanaa uga dan leeyihiin in laguugu xasiliyo laguuna tuso in lagula heelan yahay.

Marka saaxiib gabadha orod kaama ahan ee is daji adigana waxaa sameysaa in aad soo dadjiso guurka waayo waxaan sababta laguu dhahayo ayaa ah in aad isa soo dadajiso, midda kale waxaa sameyn kartaa in aad tusto in aadan wadada kusoo jirto una soo socoto guurkeeda marka Yaasiinoow adiga ayay maanta kula heelan tahey inanta.
Mar kasta u badi la kulanka si ay iloowdo tahriibta waayo waxaa macquul in cidlo ugu wacan tahey hadalkaas.

Hadii aad inoo heyso talo Ama ad u baahantahay in lagula taliyo inoo soo dir Email:Info@ayaamahanews.com

Shabakada ayaamahanews.com -Mogdisho - Somalia Email:Info@ayaamahanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

 
free hits
Track My Website