ayaamaha12

SHARIIF SHEEKH AXMED MA HELI KARAA JAANIS KALE OO DHALIN YARO SOOMAALIYEED UU DHIIGOODA KA GANACSADO

Sida aad ka war qabtaan shariif sheekh axmed waxaa uu ahaay Hogaamiyihii midowgii maxaakiimta soomaaliya midowgii maxaakiimtane waxeey dagaal ahli ah la galeen Hogaamiye Kooxeeyd yadii muqdisho kajiray Iyo ithopia inta la ogyahay waxaa ku dhintay dhalin yaro soomaaliyeed oo 4000 afar kun gaaraayo sidoo kale waxaa ku dhintay dad shacab ah oo 5000 shan kun ka badan waxaa na ku barakacay in ka badan sedex milyan oo ah shacabkii muqdisho ku dhaqnaay .Waxaa sidoo kale shariif sh axmed ku maqan oo lagu tabayaa in ka badan 4000 afarkun oo dhalin yaradii soomaaliyeed ah oo intuu xuduuda geeyay diyaarad ka raacay oo ilaa maanta aan la garaneeyn meel eey jaan iyo cirib dhigeen . Ugu danbeeyntii waxaa uu shariif sheekh axmed iibsaday in ka badan 5000 shan kun oo wiilal soomaaliyeed ah oo uu kursiga madax weeyne nimo ku badashay maxaakiim tii islaamiga ahaay iyo mabda eey xambaar sanaayeen iyo Hogaankii islaamigaa ee lagu aaminayne uu barqo cad Gatay . sidaas daraadeed waa waa qofma qofka halgan Hubeysan la galaayo? Waa qofma qofka Hogaan iyo masiir danbe ku aaminaayo shariif sh axmed . intee laga keenaa ilmaha mar danbe dagaal lagalinaayo . waan aamin sanahay in farmaajo iyo kooxdooda eey mudan yihiin in laga wareejiyo Hogaanka dalka laakiin shariif sh axmed iyo xassan sheekh midkoodna maaha.

Shabakada ayaamahanews.com -Mogdisho - Somalia Email:Info@ayaamahanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

 
free hits
Track My Website