ayaamaha12

Waakuma C/ Waaxid Qaliif

c/ waaxid qaliif waa muwaadin soomaaliyeed oo dhibaato xoogle loo geestay markii ugu Horeeysay waxaa ceelasha biyaha ka soo qabtay ciidamada Alpha Grup ama gaashaan taariiqdu markeey eheeyd 07/03/2015 goor galaba markaasina waxaa telfoonkiisa si qaldan loo siiyay ciidamada arimo qabiil waxaana arintaas ka danbeeyay Rag aan heeyb ahaan ka fogeeyn c/waaxid qaliif ayagoo Dano qabii darteed u dhibaateeynayay waxuu c/waaxid Hogaanka baarista xisbiga ku xirnaa mudo labo sanaa waxaan si bini aadanimada ka baxsan ola dhaqmaayay nin soomaali nimada iyo islaam nimada aan ku wanaagsaneey ee loo yaqaan c/rixmaan caato oo markaas ahaa beere alpha grup waana xiligii ugu xumaa ebid ee soomaraa taarikhda Nisa . waxaa jiray wax layiraa iisoo qabo,iihaay,iigu dhaaro ,iyo marka ugu danbeeyso oo ah ii xakun.sidaas ayeey in badan oo muwaadiniinta soomaaliyeed ka mida maanta xabsi eeysan sharci u leheeyn oo waqti dheer ah ugu xakuman yihiin .aan u soo laabto arinta c/waaxid ilaah fadligiis 2 sano kadin ayaa waxaa lagu sameeyay hogaanka baarista isbadal muuqdo iyo weliba maxkamada ciidamada oo culeys badan la soo saaray iyo xildhibaano bilaabay dhaq dhaqaa saaid ah si ee muwaadiniinta ku dhiban xabsiga ugu gar gaaraan.in taas ka dib maxkamada ciidamada ayaa waxeey soo saartay qofkii danbiilaa in maxkamad la keeno qofkaan danbi laheeyne in si dag daga xoriyadiisa lagu siiyo.intaas ka dib dhibane c/waaxid qaliif waxuu noqday dadkii danbiga lagu waayay 2 sano kadibna xoriyadiisaa la siiyay .intaas kadib waxuu isku diyaariyay in uu is iloowsiiyo xanuunkii badnaa ee xabsiga ka soo gaaray waxuuna isku diyaarinaayay guur asagoo guursaday waxaana u dhinaa aqalgalkii maalmihii qaban qaabada aqal galkiisa oo wax waliba u soo dhamaadeen ayaa waxaa nasiib daru dhibaato ku noqday niman arxan laawayaal ah oo lakala yiraa Farxaan qaroole iyo yaasiin ganeey waxeey ka qabteen suuqa Bakaara agagaarka somnet isla markiiba waxeey geeyeen isgooska foloronsa oo talis u eheeyd farxaan qaroole oo eey isku barteen intii uu ku xirnaa Hogaanka baarista C/waaxid waxuuna markiiba ku yiri sxb waxaan kaa rabaa in aad ila shaqeeyso waana dabeecada farxaan qaroole iyo yaasiin ganeey eey ku shaqaaleeyaan ilamaha wax barashada loo diro. c/waaxi oo markiiba aroos ka hormuuqday ayaa islka diiday oo yiri sxb aniga aroosaan ahay ee iga leexo farxaan iyo yaasin oo aan fiirinin codsiga c/waaxid ayaa yiri sxb ama shaqo qaado ama baabuur ayaan kuu rareeynaa .baabuur ayaan kuu rareeynaa waa luuqad eey isticmaalaan nabad sugida .c/waaxid oo aan marnaba wax danbi ah isku ogeeyn ayaa yiri waxaad doontaan sameeya aniga hada askari nimo diyaar uma ihi.intaas ka dib waxeey sameeyeen dhagartoodii isla markiiba waxeey geeyeen Godka Jilacoow intaas ogama harine yaasiin iyo farxaan waxeey warbixin siiyeen wasiir isloow oo shaqada ku cusbaa waxeey ka dhigeen nin amniyaad ah waxeey ka dhigeen ninka ugu qatarta badan muqdisho laakiin wasiir islaaw oo aan hadalkiisa masuuliyad fiican u sameeynin ayaa waxuu rabo iska ga dhawaaqay .intaas kadib maxkamad ayaa la soo taagay ayagoo markii loo yeeray farxaan iyo yaasiin ganeey oo la yiri maxkamada imaada weey kala carareen nin cadeeyn iyo marqaati kenay majirin maxaayeelay awalba waxeey ahaayeen beenalayaal.sidaas darteed ayadoo wasiirka hadalkiisii la ixtiraamaayo ayaa maxkamada cidamada waxeey c/waaxid ku xakuntay 2 sano oo layiri waa amniga gud ee dalka waxa loogu yeero. ugu danbeeyntii c/waaxid waxa uu soo dhameestay xabsigiisii 2bada sano eheeyd waxuuna ka soo baxay xabsigii waxuuna joogay xamar ayadoo maxkamada eey maalin kasta oo arbacaa amartay in uu imaado maxkamada wuuna imaan jiray. intaas ka dib ehelada waxeey go,aan sadeen in c/waaxid eey u diraan dalka dibadiisa maxkamada ayeey ka codsadeen bixitaankiisa maxkamadane weey u ogolaatay in uu bixikaro xorna yahay.asaga ayaa baasaboorkiisa soogoostay ,warqada dhalashada ,faraha C.I.D intaas ka dibna waxuu si sharci ah ku soo qaatay baasaboorkii waxuu dalbaday Tikit iyo visa wuuna u soo baxay ayada oo eeysan jirin cid caawineeyso ama daba socodo waayo maba eeysan jirin qof xamar uu oga cabsanaayo oo si xor ah ayuu magaalada kumari jiray. waxaa la soo gaaray maalintii bixitaankiisa markuu air porka galay oo uu hoowshiisa chekinka dhameestay ayaa waxaa ku dhagay ciidanka nabad sugida Elaborka ayadoo uu u sheegay in uu yahay muwadin aan danbi laheeyn xabsina so dhameestay intaaska dib waxaa lala xiriiray maxkamada ciidamada qalabka sida oo ah maxkamadii xukuntay waxaanaHey,ada Nisa loo xaqiijiyay in uusan c/waaxid danbi laheeyn weeyna ku qanceen ayagoo markaas si xushmad leh uga codsaday in eey sawir la galaan c/waaxid ragii markii hore qabtay sawiro la isla galo kadib waa uu baxay diyaaradii ayuuna si nabada ku raacay kuna tagay kenya .2 maalin ka dib dhagarqaba yaashii iskaga dhigaayay kuwo wanaagsan oo sawirada la galaayay ayaa waxeey hadane lamaha amaanka ee kenya u gudbiyen sawiradii eey uga qaadeen elaborka . sidaas ayaana lagu dhibaateeyay muwaadinkaas u dhiban Heey ada Nisa .inkastoo eey Dowlada somaliya cadeeysay mowqifkeda hadane kuma filna intaas waayo kuwii dhibtaas muwadinka u gestay ayaa qaranka u shaqeeynayo . waxaan kaloon cadeeyneeynaa in magaca ciise tarabuun uu yahay magac eey sameeyeen farxaan qaroole iyo Yaasiin Ganeey oo aan c/waaxid lagu neeynaasin magacaas Magiciisa oo afaran waa C/waaxid Khaliif Cabdi Ciid magaca ah cii sa tarabuun waxaan ka dhageestay VOA markii iigu horeeysay tarikhdu markeey eheeyd 11/09/2018 Ideecada subaxnimo afhayeenka policka somaliya oo cadeeynayo in uu dilay ciise tarabuun iyo rag kale ciise tarabuunku ma wax badan baa mise waa magac qof kasto lagu dhibaateeyo ? dowlada somaliya waxeey ehelada c/waaxid ka codsanayaan in ragaas dhibaatada ka shaqeeyay maxkamad la soo taago shaqada ciidan nimne laga joojiyo .

Shabakada ayaamahanews.com -Mogdisho - Somalia Email:Info@ayaamahanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

 
free hits
Track My Website