ayaamaha12

WAXAAN MAQLI JIRAY EELKA NINKII DHIGAY U DACWOOTOOY

Sida aan ka war qabno maahan arin sharci ah in qof muwaadin ah oo aan danbi galin laga hor istaago safar asaga uu doonaayo haduusan eheeyn qaran dumis nimo am u kaalmeeyn cadaw shisheeye. Sida aan ka war qabno kismaayo waa dalka soomaaliya magaalamadaxda 3aad ee soomaaliya waxaana ka jiro maamul Goboleeyd waxaana ku nool bulsho soomaaliyeed oo badan. Waxeey xaq uleeyihiin in eey yimaadaan magaalada muqdisho sidookale dadka muqdisho ayagane waxeey xaq u leeyihiin in eey aadaan magaalada kismaayo si sharci ah.taasi badal keeda waxeey sameeyeen kooxda villa somaliya oo ah koox u xuub siibatay hogaamiye kooxeedkii waa hore eey reer muqdisho iska dulqaadeen markii loo adkeeysan waayay dhibaatadooda.in eey caburiyaan siyaasiyiinta ayaga ka fikir duwan tiiyoo hadane eeyba caburintii eey qeeyb ka noqdeen madaxweeyna yaashii  soomaray dalka ee xukuumada hada jirto xilka ku wareejiyay. Waxaa loo diidad duulimaad madax weeyne sh shariif sh axmed sidoo kali ayane waa loo diiday in badan oo ka mida siyaasiyiinta dalka in eey kismaayo aadaan . isku soo wada duuboo waxaan leenahay dalku waxuu ku socdaa dariiq aan wanaagsaneeyn laakiin la wanaagsan dulmi falayaasha ku bohoobay vila somaliya .Hadaba maxaa la gudboon shacanka soomaaliyeed ? Aniga waxeey ila tahay 10 ka bilood ee u hartay xukuumada ku sifeeysan qiyaanada iyo faanka beentaa in aan loo ogolaan meesha xun eey wadanka u wadaan loona istaago in eysan wadanka naga qaribin

Shabakada ayaamahanews.com -Mogdisho - Somalia Email:Info@ayaamahanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

 
free hits
Track My Website