ayaamaha12

Reer Gal Gaduud Dantooda ma waxeey ka Hor Mariyeen Danta macalin Maxamuud oo Hungiriga ku saleeysan.

Sida aan ka war qabno Magaalada Dhuusamareeb iyo Guri ceel waxaa si aan wanaag saneeyn oga taliyo urur Diin u nisba sheegto oo uu madax ka yahay macalin maxamuud oo Dadka qaar eey u yaqaanaan Farabadan dukado oo ah nin aan xaga caqiidada ku wanaagsaneeyn.

Magaalada dhuusamareeb waxaa lagula diriray ururka alshabaab waxaa markaas dagaalka qeeyb ka ahaa dadka u dhashay deegaanka dhuusamareeb iyo guriceel .markii al shabaab looga adkaaday gacan ku heeynta magaalooyinka dhuusamareeb iyo guriceel.

waxaa awoodii shacabka iyo deegaanka marooqsaday urur diimeedkaan mayalka adag oo aan xaga caqiidada kuwanaag saneeyn waxeey dhigtaan isbaarada waxeey dadka ugu yeeraan in eey xadreeyaan ayagoo dadka ka leexiyo caqiidada saxdaa .

intaas kadib waxeey soo galeen xaga siyaasada ayagoo fashil weeyn kala kulmay siyaasada hadeey ahaan leheeyd in eey deegaanka ka sameeyaan horumar siyaasadeed , in si sax ah eey ola shaqeeyaan maamulkii gal mudug,iyo ugu danbeeyntii in eey la midoobaan dowlada fadaraalkaa.

waxeey caadeeysteen balanka baxyo , madax adeeyg ,aniga teeyda hala yeelo,iyo ugu danbeeyntii in eey ku gor gortamaan umada madax furashada eey u heestaan ee deegaanka Galmudig.

Hadaba waxaan shacabka deegaanada galmudug ugu baaqeeynaa in eey iska dulqaadaan kuwa madax furashada u heeysto Diintana ka been sheegay siyaasadana kusoo koobay isbaarada. Dowlada fadaraalkaane waxaan ugu baaqeeynaa in shacabka masaakiintaa laga dul qaado kuwa diinta ku qaraabanayo ee afduubka u heesto shacabka masaakiintaa ,Hala geeyo meeshii lageeyay rooboow iyo xasan daahir.

Shabakada ayaamahanews.com -Mogdisho - Somalia Email:Info@ayaamahanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

 
free hits
Track My Website