ayaamaha12

Axmed madoobe maku saxan yahay Afduubka uu ku sameeyay Doorashada Jubaland

Sida aan ka warqabno Doorashada Jubaland waxa eey u Afduuban tahay axmed madoobe waxa uuna isku dayayaa in uu mar kale ku soo laabto madaxtinimada jubaland weeyna u egtahay in uu markale fursad u helo axmed madoobe madax tinimda jubalan  markaad fiiriso sida eey wax u socdaan.

Aragti ahaan axmed madoobe sida uu yeelay waa qalad saxna maaha in Doorashada maamulka uu asaga afduubto oo uu u Diido musharixiinta la tartami leheeyd ee maamulka Jubaland ku abtirsado.

Laakiin waxaa la yiri Ratiga yar Ratiga weeyn Saan qaadkiisa ayuu leeyahay .Marka aad fiiriso sida eey wax u socdaan oo eey kooxda Vila somaliya u maamulayaan ama eey ula dhaqmayaan maamul Goboleeyd yada Arinta axmed madoobe sameeyay wax lala yaabo maaha.

Tusaale ahaan maxaa ka dhacay koonfur galbeed ma wax Doorasho layiraa ayaa ka dhacay? Su,aashu waa maya. Koonfurgalbeed doowlada farmaajo waxeey ka sameeysay wax lala yaabo oo taariikhda ka galay baal madoow maalin cad ayaa lagu duulay ciidan aan deegaanka eheeyn lageeyay musharixiintii qaarkood magaalada laga afduubtay weliba rabitaankii shacabka laiska indha tiray.markaasaa waxaa la keensaday madax weeyne macmal ah oo eeysan rabin shacabka oo maqaarsaar ah.

Waxaad arkeeysaan in Galmudug labaabi iyay madax weeyneheedii la ceeyriyay ciidamo lageestay  si afduub loogu sameeyo doorashada soo socoto ee Dhuusamareeb ka dhici doonto. Ayada oo eeysan musharixiinta deegaanka u dhashay eeysan wax rajaa ka qabin in doorashada eey wax natiijaa ka keenaan maxaa yeelay doorashada waxeey u Afduuban tahay kooxda farmaajo.

Isku soowada duuboo axmed madoobe oo ah madax weeynaha hada talada haayo in uu Doorashada afduubo iyo in farmaajo afduubo dalka iyo dadka soomaaliyeed waxaa u qeeyr badan in axmed madoobe afduubo.maxaayeelay farmaajo hadii uu jubaland ku guuleeysto dalka soomaaliya in doorasho xor iyo xalaal ah eey ka dhacaan wax rajaa lagama qabeen.

Hada oo eeysan maanta maamulka dalka oo dhan eeysan ayaga gacantooda ku jirin ayaan wax rajaa laga qabin in xukunkii shalay si nabada loogu wareejiyay in eey nabad ku wareejiyaan.

Waxaa taas daliil u ah in gudoomiyaha gobolka banaadir 18 dagmo ee xamar santuuq loo dhigo oo shacabka muqdisho eey soo duurtaan gudoomiyaha eey rabaan ayaa laga la,yahay oo waxa eey rabaan caawa ah  16/08/2019 in vila somaliya looga dhawaaqo Gudoomiye Gacan ku sameeys ah oo ah ninka ugu camiilsan magaalada muqdisho ileeyn waa magaalada kaliya ee xooleheeda lagu naaxaye oo wax la xisaabtamaayo eeysan jirin.

Shabakada ayaamahanews.com -Mogdisho - Somalia Email:Info@ayaamahanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

 
free hits
Track My Website