ayaamaha12

Farmaajo xilkii loo dhiibay intuu ku ekaay maantane xaguu si dhaba uga taliyaa

Waxaan og nahay in Horaantii sanadkaan la qabtay Doorashadii madax tinimada puntland  eeyna ku dhawaaqeen madaxda puntland  in eeysan  soo gali karin deegaanadooda  xukuumada farmaajo iyo kheeyre wax lagala tashanaayo eeysan jirin loona diiday in garoomada Diyaaradaha iyo dhulkaba eey ku yimaadaan.

Isku daygaas uu maamulka puntland sameeyay wuu ku guuleestay waxaa loo diiday garoomadii diyaaradaha ,waxaa dhagaha laga fureeystay baaqyadii ka soo yeeraayay maamulka farmaajo waxaa ishortaag cad lagu sameeyay  musharixiintii eey wateen  kheyre iyo farmaajo, waxaa guuldareestay isku daygii dhaqaalaha badan lagu bixiyay ee hantida qaranka loo isticmaalay. Ugu danbeeyntiina waxaa qabsoomay doorashadii waxaana soobaxay cidii eey rabeen Reer puntland.

Waxaan markale dhacay in maamulkii Galmudug Duulaan qaawan lagu qaaday  ayadoo aan laga fakarin waxa ka dhalan karo hadii maamulka jiro ladumiyo.kooxda farmaajo iyo kheeyre oo aan looga baran wax dhisid in eey wax dumiyaan maahee waxeey ku guuleeysteen dumintii maamulkii jiray ayagoo daneeynayo in ee meesha ka soo baxo qof ayaga camuul u ah. Laakiin waxaa isweeydiin mudan Duminta Galmudug maxaa xigi Doono ?

Intaas kadib waxaa dhacday in Kooxda waalida ee Villa somalia eey isku dayeen ayada oo Galmudug u Dunsan tahay eey isku dayeen in eey faragalin qaawan ku sameeyaan hadane maamulka Jubaland waxaan maqli jiray Dhurwaagii latag latag bartaa kadhig waa ku ceeb Axmed Madoobe oo ah Ruugcadaa siyaasada soomaaliya waaya arag ku ah ayaa kismaayo  kaarabiin ola fariistay waxaa laga mamnuucay in eey dhulka iyo cirkaba ku yimaadaan maamulka farmaajo magaalada kismaayo waana lagu guuleeystay.

Hade waatan idiin sheegay qofka Guuldarada yaqaan ayaa Guusha raadiyo laakiin kooxda siyaasada ku cusub ee Vila somalia Dhoowr isku day ayeey ku Guuleeysteen sida Maamulkii kofur Galbeed oo uu ku soo Baxay shaqsi Vila somaliya eey wadato ayadoo shaqsigaas daraadiid Dadbadan oo muwaadiniin ah loo xasuuqay.sidaas darteed weey aqbali waayeen Guuldarada 2aad ee ka soo gaartay jubaland waxeey isku dayeen adeegsiga Wayaanaha itopia waa lagu guul dareeystay ,waxaa markale laisku dayay in la adeegsado waxa loogu yeero beesha caalamka ayadoo u muuqato Baadida ninbaa kula day dayi daalna kaabad in aad hesho aanan rabin daain ebidkaaye. Ayadane waxeey u muuqataa in lagu guuldareeystay . Hada waa quusteen oo axmed madoobe hoowshiisa ayuu wadanayaa .su, aasheeydii eheeyd xaguu farmaajo ka taliyaa ? aniga waxeey ila tahay waa Gobolka Banaadir .Inkastoo reer muqdisho eey soo jeesteen oo eey leeyihiin waxaan rabnaa Gudoomiye aan soo Dooranay  4 sano kadib Dowladii fadaralka eheeyd ee farmaajo loo dhiibay waxba lagama haayo waa isku dhamaatay.

Shabakada ayaamahanews.com -Mogdisho - Somalia Email:Info@ayaamahanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

 
free hits
Track My Website