ayaamaha12

Wafdigii Ithopianka ahaay ee axmad madoobe loo diray maxuu kala soo kulmay kismaayo,

Wafdi ka socday dowladda Itoobiya oo ka koobnaa lix sarkaal ayaa maanta tagay magaalada Kismaayo, halkaasi oo ay kula kulmeen madaxweyne Axmed Madoobe iyo madaxda kale ee maamulka, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ee sheegayaan.

Wafdigan oo horey usoo maray magaalada Muqdisho, ayaa maamulka Jubaland kala hadlay xiriirka xumaaday ee dowladda iyo doorashada madaxweynaha ee dhowaan ka dhaceysa Kismaayo.

Sida eey wararku sheegayaan, wafdiga ayaa madaxweyne Axmed Madoobe hor-dhigay oo laba qodob oo kala ah:

 1 – In mas’uuliyiinta DF oo horey looga mamnuucay Kismaayo loo ogolaado inay yimaadaan, islamarkaana wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya ku lug yeelato hanaanka doorashada Jubaland.

2 – In dib loo dhigo doorashada madaxweynaha Jubaland si musharaxiinta mucaaradka ah loo siiyo waqti dheeri ah oo ay isku diiwaan geliyaan, kadib markii uu dhammaaday waqtigii horey loo qabtay, ayaga oo diiday inay is-diiwaan geliyaan.

Intaas kadib madax weeyne axmed madoobo ayaa u sheegay wafuuda ka socoto Dowlada itobiya oo eey gadaal ka taagan tahay Dowlada farmaajo in

qodobba ay yihiin kuwa ka baxsan gacanta madaxweynaha, oo uusan wax ka qaban Karin

Waxaa lagu war-geliyey in go’aanka ka dhanka ah dowladda lagu qaatay kulankii golaha wasiirada, sidaas darteedna aysan ahayn arrin uu wax ka beddeli karo madaxweynaha, halka go’aanka la xiriira waqtiga doorashada loo sheegay inuu yahay mid u yaalla guddiga doorashada, oo haddii ay doonayaan ay kala hadli karaan.

Wafdiga Itoobiya ayaa isla galabtaba isaga tagay Kismaayo, kuna laabtay Addis-Ababa, waxaana la sheegay inay ahaayeen isku daygii ugu dambeeyey ee dowladda federaalka ay ku hor-istaagi lahayd doorashada Jubaland, taasi oo hadda u muuqata inaysan shaqeyn.

Horay ayaan u sheegnay in Doorashada Jubaland eey noqon doonto Guuldaradii ugu horeeysay eey guuldareestaan kooxda nabad iyo nolol waana jabkii ugu weeynaa ee soo maraa ebid.

Shabakada ayaamahanews.com -Mogdisho - Somalia Email:Info@ayaamahanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

 
free hits
Track My Website