ayaamaha12

C/Rixmaan C/shakuur oo shirka Hobyo tagay .

Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ee Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo Siyaasiyiin uu horkacayo ayaa maanta gaaray magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug, halkaasoo uu ka socdo shirka Nabadda oo ay leeyihiin Beelaha H/gidir.

C/raxmaan C/shakuur ayaa ka qeyb galay shirka, isagoo ka mid ah siyaasiyiinta beesha ee ku biiray shirkaas oo wajigiisa labaad galay.

Shirkan ayaa waxaa horay uga qeyb galay Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka iyo siyaasiyiin, waxaana looga hadlayay dib u heshiisiinta beesha, masiirka deegaanada Galmudug iyo sidii meesha looga saari lahaa mad madowga iyo khilaafaadka siyaasadeed.

waxaa laga war sugayaa Gebe gabada shirka in uu ka soo boxo wax dan u ah beesha H/ Gidir iyo Guud ahaan umada soomaaliyeed .



Shabakada ayaamahanews.com -Mogdisho - Somalia Email:Info@ayaamahanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

 
free hits
Track My Website