ayaamaha12

Shirka hobyo maxuu xambaar san yahay ma wax dan u ah Habar gidir mise wax dan u ah shaqsiyaad kooban.

Ugu horeeyn sida aan ka warqabno waxaa shirka uga socadaa magaalada hobyo beel weeynta habar gidr. Shirkaasoo lagu sheegay in uu yahay shir dhaqan oo lagu mideeynayo dhaqanka beesha habar gidir.

Laakiin sida wax loo sheegaa u ma jiraan oo waxa meesha ka socdo waa wixii la dhihi jiray Baroortu Orgiga kaweeyn. Waxaa shirka qaban qaabiyaayal ka ah rag Siyaasiyiin ah oo ajandaha Shirka gacanta ku haayo una meerinaayo odayaasha wax walbo

Waxa meesha ku jiro waxaa weeye in la rabo shirka in lagu dhiso gudi ka kooban 55 xubnood oo kala ah 25 xubnood oo odayaasha dhaqanka Habar gidir iyo 25 xubnood oo ah wax lagu sheegay siyaasiyiinta beesha Habar gidir.

Waxa warkaas wadaahi waa rag fara ku tiris ah oo weliba lunsaday dhaqaalihii beesha Habar gidir ugu tala gashay shirka Hadane doonaya in ee masiirkii beesha iyo matalaadiiba ayaga isku soo magacaabaan .

FG:  waxaan dhawaan soo sheegi doonaa ragaas magacyadooda iyo sawiradooda insha allaah .

Shabakada ayaamahanews.com -Mogdisho - Somalia Email:Info@ayaamahanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

 
free hits
Track My Website